Thursday, May 30, 2013

Xukuumadda Somaliland Oo Mamnuucday Goynta Iyo Shidista Dhirta Qoyan,Baaqna U Dirtey

"madaxda ay warqadani ku socoto inay si waafi ah oo waxtar leh ula shaqeeyaan Salaadiinta, Cuqaasha, Waxgaradka iyo Guddiyada Tuulooyinka oo si mutodawacnimo ah doonaya in wax uga qabtaan ololka iyo xaalufka ba?an ee lagu hayo dhirteen"




Hargeysa(SAMOTALIYE) Xukuumadda Somaliland ayaa mamnuucday goynta iyo shidista dhirta qoyan, isla markaana waxay sheegtay in tallaabo adag laga qaadi doono ciddii lagu qabto oo  sharciya.
Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray Wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Dr. Maxamed Siciid Maxamuud (Gacamey), waxaanu u dhignaa sidan:-


"Ka dib markii ay Na soo gaadhay qeylo dhaan nagaga timid gudaha iyo goonyaha dalka oo dhan ee ku saabsan gumaadka iyo xaalufinta lagu hayo dhirta qoyan, isla markaana aan aragnay illaa xadka ay ka damqanayaan odayaasha, salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka deegaamadda Somaliland dhibaatada ka timid xaalufka dhirta sida dabiiciga ah u baxda iyo ololka ka baxaya deegaamada Somaliland oo dhan.
Haddaba, Annagoo tixraacayna Xeerka ka hor-taga xaalufka iyo nabaad guurka dalka ee 04/98 qodobkiisa koowaad Xarafkiisa A iyo B iyo 2-aad xarfihiisa A iyo B.
Wasiirka Deegaanka iyo horumarinta Miyigu waxa uu soo saaray wareegtadan:-
Laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 29/05/2013, waxaan joojinay gaynta, garaacista iyo jarista geedka qoyn, waxaana manuuc ah in dhirta qoyn loo isticmaalo dhuxul, dhisme iwm.
Sidaasi darteed, waxaan farayaa dhamaan madaxda ay warqadani tooska ugu socoto, in cidii lagu helo arrimaha kor ku xusan ee wareegtaydani mamnuucaso la marayo ikhaabta qodobka 17aad ee xeerka ka hortaga xalufka iyo nabaad-guurka.
Waxa kale oo aan ku adkaynayaa madaxda ay warqadani ku socoto inay si waafi ah oo waxtar leh ula shaqeeyaan Salaadiinta, Cuqaasha, Waxgaradka iyo Guddiyada Tuulooyinka oo si mutodawacnimo ah doonaya in wax uga qabtaan ololka iyo xaalufka ba?an ee lagu hayo dhirteen dabeeciga ah."

Sunday, May 26, 2013

Weedha Tafatiraha Guud Samotaliye Cabdisitaar Dubad


Ku soo dhawoow Degelkan Samotaliye oo ah degel imika ku soo biiray degelada Online ka ah Degelkan waxaan si cilmiyaysan ugu soo bandhigi doonaa qoraalada muhiimka u ah bulshada haday tahay deegaanka, Waxbarashada, dhiirigelinta Dhalinyarada, Horumarka guud ahaan Bulshada iyo fikir kasta oo aan u arko inuu wax tarayo umada,

Degelkan waxaan meeli uga banaanayn siyaasada isqabqabsiga ah ee bulshada dhexdeeda iyo aragtiyaha kala duwan ee Xisbiyada afkaaraha bulshada wax u taraya ee siyaasiga ahse way ka muuqan doonaan.


wax kasta oo aad u aragtaan in ay qaldan yihiin ama sida loo gudbiyey wax ka si yihiin Fadlan ila wadaag waxaan tixgelin doonaa afkaaraha macquulka ah ee bulshada iyo haldoorka umada ka yimaada.


Samotaliye  Cabdisitaar Dubad
Tafatiraha Mareegta Samotaliye

Friday, May 24, 2013

Bulshoy Adigay Boqraday



Bulshooy adigay boqraday
Beerkayga adaa gogladey
Bogeyga adaa huwadey
wadnaha adigaa barkaday
bishmaha adigaa furfura
Markii lagu bililiqaysto
Markii baaqagu yeedho
Ayaan boholyoow gabyaa
Dareenku baraarugaa

Abwaan Mohamed Ibrahim Warsame (HADRAAWI)

Thursday, May 23, 2013

ISKA SOO KUUDUDKEENA IYO DUNIDAN SII KULULAANAYSA

Isbedelka cimilada ayay culimada saynisku saadaalinayaan inuu qarnigan 21aad meel halisa gaadhi doono tan oo ay sababyso dikhawga hawada ee ay samaynayaan dawladaha xaga warshadaha ka horumaray, isla markaana waxa uu dikhawgaasi dhaawacay atomosphere ka ama  lakabka hawada ah ee falaadhaha cadceeda ka celiya dhulka  si aanay ugu dhicin si toos ah oo aanay u waxyeelayn.
Isbedelkan cimilada iyo dunida sii kululaanaysa ayaa waxay sababaysaa isbedelo xoogan sida daadad waaweyn, abaaro bahsan iyo duufaano kuwaas oo saamayn doona waxbeerashada, dhuldaaqsimeed iyo meelaha yare e kaymalayda ah isal markaana waxay guuriyaan ciida nafaqada leh ee lakabka sare ee dhulka.


Inakoo ka mida  dadka aan dhibta u geysan hawada isla markaana aan xadi buuran oo c02 Ku sii dayn oo aan lahayn warshado wasekheeya hawada oo ku sii daaya, marka laga tago ta aynu xaalufinta iyo nabaadguurista kuhayno, ayaan ka badbaadayn hagardaamada iyo halista ay leedahay ee ay si toosa inoo saamayn doonta.


Iyadoo taas had iyo goor laynoo sheego ayaynaan hadana isku dayin sidii aynu wax ugu darsan lahayn dhimista iyo ladagaalanka cimilada isbedelaysa.

Si kataba ha ahaatee anigoo ogsoon in ay jiraan khubaro iyo aqoonyahan arintan ka soo jeedin kari lahaa talooyinka ugu muhiimsan ee wax lagaga aban lahaa, hadana waxaan talo ku soo jeeinayaa dhawr qodob oo kooban oo aan u arko in lagu yarayn karo cimiladan isbedelaysa doorkeenana kaga qaadan karo.

  1. In ururada bulshadu tixgelin gaara siiyaan muhiimada arintani leedahay isla markaana xooga saaraan sidii wax loogu qaban lahaa.
  2. In xukuumadu samayso siyaasad mug iyo miisaan leh oo lagu waajahayo arintan
  3. In la dhiiri geliyo dalag beerashada, dhirbeerista iyo barnaamujyada lagu dhawrayo deegaanka iyo cimilada isbedelaysa
  4. In dawladu ku darto Manhajka iskuulada Hoose, Dhexe iyo sareba daryeelka iyo horumarinta Deegaanka
  5. In shakhsi kasta uu ku darsado qorshihiisa sidii uu uga qayb qaadan lahaa dhimista dkhatarta dunida sii kululaanaysa iyo daryeelida deegaanka.

Waxaan qalday shaydaanbaa iska leh intaan asiibayna Eebaa ku mahadsan










Qormadii iyo Qalinkii
Suleymaan Cabdisitaar Dubad
Hargeysa Somaliland
cabdisitaar@hotmail.com
00252-2-4430873/9430873

DHUXULAYSATADA OO FARA BA’AN KU HAYA GOBOLKA SANAAG IYO DAREENKA DHIILADA XAMBAARSAN EE TAAGAN

Ceerigaabo(Samotaliye) Gobolka Sanaag oo ah gobolka guud ahaan jamhuuriyada Somaliland ugu balaadhan ahna dhul deegaan ahaan aad u qurux badan dihina oo aanay hore wax badan iu yeelin xaalufinta deegaanka ee Somaliland faraha baas ku haysaa.

 Ka dib kormeer maalmo dhawra qaatay oo aanu kujoognay gobolkaas Sanaag Aniga iyo 6 ka mida xildhibaanada golaha wakiilada ee laga soo doorto SANAAG isla markaaana ujeedadayadu ahayd xogogaal u noqoshada xaalada gobolka ayaa anigu waxaan si gaara indhaha ugu hayay bal dhibka iyo horumarka xaga dhulka,dhirta iyo daaqa haysta, waxase marqudha na taabtay dhamaantayo weftigayagii dhawaaq dheer oo dhamaan masuuliyiintii iyo hormoodkii gobolka ee aanu lakulanay ay si iskumida oo ay muuqato inay ka damqadeen noogu sheegeen .

 Waxa sawiro iyo hadalba nalagu deeqsiiyey halkaka dhuxulaysiga iyo xaalufinta deegaanku marayso oo ah halkii ugu danbaysay, ee uu abidkii dhulkani gaadho waxay masuuliyiinta ugu saraysa oo Ay ka mid yihiin, Badhasaab kuxigeenka gobolka, Xoghayaha gobolka , Mayorka magaalada CEERIGAABO, taliyaha Qaybta ee Booliska ka ciidamada mileteriga madaxda Jaamacada iyo guud ahaan madaxdii kale ee aanu lakulanay noo sheegeen in dhuxulaysiga gobolku hada noqotay ganacsiga ugu sareeya isla markaana uu noqday faldambiyeed abaabulan oo aan si dhib yar loogu dhacayn wax kaqabashadiisa. Waxa dhuxusha ka ganacsada dumar reer Boosaaso ah, kana dhoofiya deegaanada Puntland, waxay dumarkani soo raacan gawaadhida dhuxusha , isla markaana waxay u keenaan dadka deegaanka lacag badan gaadiid iyo hub si aan cidi ula hadlin gawaadhidana waxa saaran hub noocyadiisa kala duwan oo hadii xataa bilays loo diro waxa ka dhacaya dagaal xoogan, dadkana waxa loo qaybiyey oo ay siiyaan mishiinka dhirta lagu jarjaro oo daqiiqado geedka ugu weyn ka dhigaya qurubyo is laaleeg.

Waxaanu indhahayaga ku soo aragnay dhul dhuxulaysigu si laxaadleh ugu fidayo meelaha ugu sii darana waxa ka mida deegaanada (BIXIN, DARARWEYNE, CEEL AFWEYN, MAYDH, LASASURAD IYO CABAYDH) oo dhamaantood ku yaala gobolka Sanaag, waxayaabihii ugu layaabka badnaa ee naloo sheegay ayaa ahayd in ay boolisku maalin dhawayd qabteen nin dhuxusha gubaya oo markii danbe la ogaaday in uu hal god wakiil ka yahay isla markjaana ay heleeen lacag $ 28000 (sided iyo labaatan kun oo dolar) oo Telesom loo soo dhigay adeega (ZAAD) si uu shaqooyinka dhuxusha ugu fuliyo. Waxa xusid Mudan dhanka Bariga ee Ceerigaabo inay dadweynaha deegaankaas degeni kala dagaalameen sii socoshada arintan oo weliba ay ku guulaysteen.


 Hadaba gobolkan oo ah gobolada ugu qaalisan xaga deegaanka ahna dhul qani ku ah dhir aan gobolada kale ku oolin, ayaa wuxuu marayaa maanta meel uu u ooyayo musiibo ay dadkiisii u keeneen isla markaana u baahan yahay hiil uga yimaada dawlada, madaxda gobolka iyo bulshada deegaankaba, Waxaan markale dadweynaha ku dhaqan Jamhuuriyada Somaliland ku baraarujinayaa in deegaankii qaaliga ahaa ee SANAAG caanka ku ahayd maanta gabalkiisii dhacay oo mishiinada yaa;la ee dhirta lagu jarayaa ka badan yihiin 20eeyo sidaa daraadeed u baahan yahay in si degdega wax looga qabto. Wixii aan Saxay eebaa ku mahadsan intaan qaldayna shaydaanbaa iska leh


Qalinkii iyo Qormadii: 
Suleymaan Cabdisitaar Dubad 
 Ceerigaabo Somaliland

Muwaadin ka qayb qaado oo saxeex Petitionka dadka reer Somaliland u gudbiyeen dawlada Maraykanka kaas ooo lagu qoray Mareegta Aqalka Cad ee Maraykanka lana rabo in 100, 000 00 qof saxeexaan

Si aad u saxeexdo Petitionka Dadka reer Somaliland u gudbiyeen Dawlada Maraykanka (kaasi oo lagu qoray Websiteka Aqalka Cad) oo ah in aqoonsi laga helo Dawlada Maraykanka, si uu meel maro codsigaasi, waxa loo baahan yahay inay petitionkan saxeexaan ugu yaraan boqol kun oo qof. Marka ugu horaysa booqo linkagan https://petitions.whitehouse.gov/petition/support-22nd-years-peace-democracy-progress-somaliland-lacking-any-international-help/7PTHGJjt Ka dib dhinaca sare websiteka ee midigtaada, halka ay ku qoran tahay Create Account ayaan click graynaysaa ka dib waxa kuu soo baxaya, page aad ku qorayso magacaaaga iyo emailkaa iyo Zip code oo ah 252 (kolba wadanka aad joogto geli furaha telkiisa). Ka dib emailkaaga aad gelisay ayuu kuugu soo dirayaa markaaba passwordkaada, ka furo emailkaaga oo soo copy garee passpworkaas, kuna noqo websitekii hore oo Log in click garee dhinac midigta isla halkii hore agteeda, ka dibe geli emialkaaga iyo passworkaaga, wuxuu kuu soo saarayaa petitionkii oo halka hoose uu leeyahay Sign the petition oo green ah, ka dibna click garee, waxad arki tiradii oo isbadashay. Hadii aad leedahay emails badan, waad dhamaantood waad isticmaali kartaa si aan tiro badan u helno oo saxeexayaala. Samotaliye Cabdisitaar Hargeysa Somaliland