Ugu Horayn (ASC), Bacdigeed Midowga dhalinyarada
iyo inay yeeshaan marjac laga maamulaa waxay muhiim u tahay da’yartan Somaliland ee majarahabawsan, dhalinyaradan maalinba siyaasi danayste ah
iyo Afmiishaar ku guurayo, da’yartan
warbaahinta kaga faanaysa reer hebel iyo hadaan hebel sidaa loo yeelin, Da’yartan
badaha ku dhamaatay aqoonyahankoodii ardaydii jaamacadaha iyo dugsiyada sare
kujirtayna ay hiigsanayaan dal shisheeye, dhalinyaradan ku mashquulsan maalin
wax la quuto ee aan maankaba ku haynin dalkan iyo dadkan inaanay cidi u maqnayn
ee iyaga uu maankooda iyo muruqooda dugsanayo.
Inkastoo ay aad u badan yihiin dhalinyarada hanka
iyo hiigsiga leh ee u han wayn dalkooda hooyo iyo u hagar bixiisa, hadana sida
maalin walba inoo muuqanaysa waxay muujinaysaa
calaamad guul daro, metelan markaad aragto dhalinyaradii aqoonyahanka
ahaa oo urur reereed ka soo dhex hadlaya ku hanjabaya oo ugu muusoonaya reer
hebel kale oo aanay waxba dhex marin, markaad aragto dhalinyaradii ururada
bulshada oo hayb hayb isu hormaystay hogaankoodana doonaya inay ku doortaan sidii
ka dhacday hada daladii dhalinyarada ee SONYO.
Shakhsiyan anigoo SONYO u arka madal dhalinyaro oo
ay da’yar aqoonyahan ahi isku hawleen hirgelinteeda inay guulaysato oo la sii
dhiirigeliyaana ay mudan tahay, wallow aanay
da’yartu ku dhamayn oo ay keliya metesho
dhalinyarada Ururada dhalinyarada qaybo ka mida, hayeeshee in ishii keliya ee
jirtayna ay qabyaaladowdo oo lagu qaybsado hogaankeeda reero iyo caadadii
dalkeena halkaa dhigtay waxay iigu muuqataa ifafaalo xun oo aan lagu sii
dhiiran Karin.
Dalada Dhalinyarada SONYO khilaafkeedaas keenay
inay doortaan laba Hogaan oo kala madax banaan waxay keenaysaa burbur midnimada
ururadii ku midaysnaa dalada iyo in si wadajira loo sii wada shaqeey. Daladuna iyadoo markii horeba ay koobnayd inta
ku midowday haday intiina laba tiro ahaan aan kala fogayn u sii kala qaybsamaan
laf-jab bay ku tahay dhalinyarada waana in sida ugu dhakhsaha badan laysugu soo
dhaweeyaa, oo ku jiqsiida iyo isku muquuninta Codka ama haynta maamulku aanay
noqon wax lagu kala adkaado waxaanay sababaysaa in raga iska soo horjeedaa
isu-muuqdaan oo is xiniinyo taabtaan, Xal ka gaadhista ugu yaraan SONYOdii jirtayna
ay adkaato.
Dalada dhalinyarada SONYO , wasaarada dhalinyarada
iyo da’yarta kale ee aqoonyahanka ahba waxaan Soo jeedin lahaa in la aas-aaso
Gole dhalinyaro oo heer gobol ilaa heer qaran ah, madal siyaasad ahaan iyo
afkaar ahaanba madax banaan oo ka talo bixisa horumarinta dhalinyarada iyo
sidii dalkan cududdiisa dhalinyaro laysugu xidhi lahaa loogagana faaidayn
lahaa.
Gabagabada Maqaalkaygan waxaan ku soo koobayaa
dhalinyarada reer Somaliland waa isku hayb, waa isku Dan, way is huran yihiin
waxaanay u baahan yihiin in laysu ururiyo ee uma baahna in lakala dhex dhigo
caqabado iyo afkaaro aan iyaga anfacayn balse cidi ku aflaxayso, dhalinyarada Somaliland
waxay u baahan yihiin Horumar ay kaga hakadaan badahan ay ku dhamaadeen oo ay
dhulkoodan ka dhigaan mid laysu soo halaago oo loo soo tahriibo.
Intaan Saxay Eebaa ku
mahadsan wixii iga qaldamayna shaydaanbaa iska leh
Suleymaan Cabdisitaar Dubad
(Samataliye)
cabdisitaar@hotmail.com
www.samotaliye.blogspot.com
+252-63-4430873
Hargeysa Somaliland
No comments:
Post a Comment