Maqaalo



Garaamaad yaynaan ku gadan Garashadeenii,




Garashada ilaah inagu galaday hadaynu nahay bulsha weynta geyiga Somaliland waa mid aynu gaar kaga nahay guud ahaanba wixii laysku odhan jiray Soomaaliweyn, waxaad taas ku garan kartaa dhawr iyo labaatankaa sano ee ay gumaca iyo rasaasta birmagaydadooda la dhacayeen inaku waa intii aynu nabada iyo guulaha isdabajoogaa goboladeena ku maamulaynay.

Hadaba inakoo garawsan haantii aynu gunta ka soo tolay iyo wadahadaladii aynu geedka hoostiisa ku soo bilawnay, inakoo aan marnaba ilaabayn in garaamaadka lagu siiyo ay daba taalo go’aano laguu yeedhiyo iyo ka faaidaysiga goldaloolooyinkaaga ama in lagu guuro qayb ka mida bulshadaada oo hadii shilimo lagu gudoonsiiyo ay ka dhigan tahay Virus sida aad isaga dawaysaa adag tahay oo maalinba ninka qaataa uu yahay ka lagu shaqaysto dantoodana ay ku fushadaan.

Waxaan aaminsanahay hadii Somalia laga dayn lahaa shilimada la siiyo in uu dhibku ka degi lahaa, inaka hadii hore laynoo siin lahaana aynaan degneen oo aynu joogi lahayn haadkaa ay hada haystaan.
Hadaba madaxda qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee haysa mindida daabkeeda iyo golayaasha talada dalka laga go’aamiyo waxaan u soo jeedin lahaa in aynaan garashadeenii ku gadan Garaamaad sababaya in aynaan yeelan go’aan ka gaadhista hawlaheena gaarka ah iyo gurigeena gudihiisa.

Waxaan Ognahay in hadii go’aan adag aad gaadho oo aanad isu hoos dhigin shilimada ay qolyaha isku sheega Deeqbixiyayaashu bixiyaan aad ka adag tahay cid walba umadaadana aad kaga helayso taageero buuxda iyo isgarabtaag dhaba, hadii bulshadeenu ay bixiso cashuurta iyo xaqa lagu leeyahay isla markaana ganacsatadeenu ka fekerto qaab ay bulshadani iskufilaansho nololeed ku gaadhi karto laga shiro oo wax laysu geegeeyo waxaaan qabaa inaynaan u baahnayn deeqshisheeye oo midnimadeena iyo wadajirkeena lagu mijo xaabiyo mid maalinwalba laynagu taago shir aynaan u qalmin oo quudhsibadani kujiro sidii kii ugu danbeeyey ee ISTANBUL ee dawladeenu dhex fadhiday iyadoo caalamka loogu sawiray inay qayb ka tahay xalka somaliweyn ee sida jeesjeeska ah madaxda somalida iyo kuwa caalamkuba inoola hadleen.

Gunta iyo gunaanadka maqalkayga waxaan si gaara xilkan iyo waajibaaadkan guudka u saarayaa inuu ka fekero qaab aan ahayn in aynu aduunka dhaqaale quudhsi ka helo Madaxweyne Siilaanyo oo isagu maanta dalka u taliya go’aankiisuna yahay ka ama aakhiro inoo diraya ama ifka nolol caafiimaad qabta inagu noolaysiin kara inta ka sokaysa qadarka eebe iyo go’aanadiisa.

Wixii aan Saxay Eebaa ku mahadsan intaan qaldayna shaydaanbaa iska leh




Qalinkii
Suleymaan Cabdisitaar Dubad
Hargeysa Somaliland







BIYO KULULE goob hada uun la fahmay iyo deegaanka oo dhib ku qaba dadka Imanaya Qalinki Suleymaan Cabdisitaar Berbera(Samotaliye) 


Waxay ahayd galab gaaban oo qoraxdu godka ku dhawdahay markii aanu soo gunaanadnay kana soo dareeray aqoon iswaydaarsi aanu dhawr maalmood u joognay magaalo Xeebeeda Berbera markii aanu isla qaadanay koox aanu si gaara u wada soconay in aanu gaadhno BIYO KULUL oo ka mid ah biyaha la yidhaahdo BIYO GUURE oo 20 KM dhinaca Bari kaga beegan magaalda Berbera.

Markiiba diyaar garow iyo in aanu ka gaashaamanay baahiyahayagii ka dib waxa dhawr qof oo aanu wax ka waydiinay goobta noo sheegeen in aanu iskaga joogno oo habeenkii aan biyaha la gelin meeshana ay ku sugan yihiin Shaydaamo iyo rooxaamo kale, kumaanu qancin ee waxaanu si indha iskuqabad ah ugu dhaqaaqnay goobtii anakoo shidhka hore ee gaaadhigana dhiganay Axmed oo xoogaa deegaanka wax ka yaqaanay ahaana reer Berbera, markii aanu mudo soconay oo aanu marayno jid qarfa ah ayaanu si kedisa ugu soo baxnay gaadhi Land cruiser ah oo gacan siinaya mid kale oo Surf ah oo ciida six un u galay ka dib markii uu wadada ka habaabay gaadhiga SURF ta ah waxa saaran hooyo da’ah oo aan u maleeyey inay ahayd qofkii awgii goobta loo yimi , hablo dhawra iyo aabahood salaadii makhrib ayaananu halkaas ku tukanay waxaanu xoogaa saacad iyo dheeraada ku qaadanay halkii si aanu gacan u siino dadkii meesha ku xanibnaa aakhirkiina way suurtoobiwayday inaanu ku guulaysano inkastoo aanu ahayn 8 dhalinyaro ah oo wada xooga hadana duruuftii meesha taalay way noo saamixi wayday.

 Halkii ayaanu ka dhaqaajinay anakoo laftayadu marar dhawra ciida muquuranay oo aanu si khasaba kaga saaray, waaxayse noogu darayd markii aanu anakuna dooxa BIYO GUURE aanu dhex galay oo wada ciida isla markaana ay mudo nagu qaadatay inanu ka baxno waxaana isla goobtaa xoogaa nagag maadaystay niman ilaa 5 ilaa 6 ah oo majarafado sita oo aan u malaynay inay gawaadhda mesha gasha ka saaraan xoogaa qarashana ka qaadaan, ayaa markaanu dirsan waynay ilayn waxaanu isu aragnaa rag xooga oo wax walba dhufanayee waxay naga ag qabsadeen ciyaar dh` aqameed ay anaka noogu duur xulayeen aakhirkiise waxa farsamo wanaagsan na siiyey Xamse oo ahaa wiil dhalinyaro ah meeshana mara oo BURCO gaadhi ka yimi waday.

 waxaanu gaadhnay goobtii aanu u soo kolonyaysanay waxaana dhamaantayo yaab iyo amkaag nagu noqotay sida meesha loo joogo ee aanan halkan sawir idinkaga siin Karin. Muuqaalka guud ee meeshu waa mid qurxoon waa doox dhex mara 2 buurood oo aad u waaweyn dhexdooda xoogaa 1laa 300 oo mitir ahna xageeda hore ka kala yara durugsan waxa halkaas degen dad aan ku qiyaasay ilaa 1000 ku dhawaad waxa dheer gawaadhi ilaa 200 oo gaadhi gaadhysa, dadka intaas leegee meeshaas degani ma haystaan meel ay galaan, suuliyo iyo meel ay wax ka cunaan toona, isla markaana waxay u daadsan yihiin sidii qaxoonti hada degay waxay isu dhex jiifaan sidii ay u wada socden oo rag iyo dumarba leh wax cabsiya oo ay qabaana ma jirto.

Dadka goobtan yimaada waxa lay sheegay inay ka kala yimaadeen guud ahaan gobolada Somaliland iyo qaar ka mida Somaliyaba waxa meesha mara doox biyood kulul oo aanad meelaha qaarkood gacanta ku hayn Karin taas oo dadkaasi u yimaadeen sabab caafimaad darteed oo ama ay arkeen cid ku soo caafimaaday ama dhakhaatiir iyo khubaro caafimaad kula taliyeen inay mudo joogaan si curuuqaha ,jidhxanuunka iyo dhamaan cabashada xaga xididada iyo lafaha ah ee dadku ay ugu soo furfurmaan.

 Markii aanu meeshii gaadhnay waxaanu gaadhigii ku Parking garaysanay meel inta badan gaadiidku taagnaa waxaanan u dhaqaajinay xagii uu dooxu ka imanayay waxaanu dhex qaadnay dooxii biyaha ahaa anaka oo kabihiina iska bixinay intaa aanu soconaynay waxaanu arkaynay qaybta midig ee buurta oo meel walba biyo soconayaa ka soo degeyaan isla markaana ah biyo kulul oo aanad gacanta ku qaban Karin iyadoo meelaha qaar hadaanu is odhan lahayn xoogaa shaaha ku karsada ay Karin lahayd, markaanu qiyaas 3 km ah soconaynay ayaanu gaadhnay meel naloo sheegay in ay tahay qaybtii Raga qaybta dumarkana nala yidhi way horaysaa. Saacadu waa 10:00 habeenimo ee geeska afrika waxaanuna galay meeshii biyaha kululayd.

Oo aanu waqtigii ku dabaalanay Hadaba ujeedada aan u soo qaatay maqalkana igu kaliftay waxa weeye goobtan oo ah mid xaga deegaanka qiimo weyn ugu fadhida isla markaana maalinba maalinta ka danbaysa ay ku soo badanayaan dadka caafimaad ahaan u imanaya waynu ognahay dadku waa cadawga koobaad ee deegaanka hadaan la qorshayn habka ay ugu noolaanayaan dadkani waxay bilaabeen inay googooyaan dhirta oo ka samaystaan hoy iyo gabood iyagoo xoogaagii dhirta ahaa ee meesha ku yaalayna ka dhigtay hoy halka aanay haysan meel ay qashinka ku basriyaan, dawladuna waxa lay sheegay inay diiday dad is yidhi meesha ganacsi ka furta.

 Hadaba waxaan u soo jeedin lahaa wasaarada deegaanka iyo maamulka gobolkaba inay arintan hoos u eegaan una qorsheeyaan sidii dadkani si nadiif ah oo dhib la’aan ah ugu noolaan lahaayen isla markaana looga badbaadin lahaa deegaankan ay bahdileen.


 wixii aan qalday shaydaanbaa iska leh intaan saxayna eebaa ku mahadsan

 Qalinkii Suleymaan Cabdisitaar Dubad 
 Hargeysa Somaliland
 cabdisitaar@hotmail.com

No comments:

Post a Comment