“Dhadhamada
dhalaankani
dhul-shisheeye
loo dhigay
dhulgariir
ka Daraneee
dhalintii
dhulkaygaay
dheef miyaad u aragteen
dhalanteedka
Yurubee
afrikaan
dhiciisiyo
Magafiyo
dhibtiisii
Saxarii
dhunkaal iyo
Cunay
Dhaayahaygii
Dhamaantood
dadkaygii
Dhimashada
u wada qoray”
Ereyadii Samataliye Cabdisitaar”
Tahriibku
waa Aafo, Musiibo iyo mahalako bulshada Afrikaanka guud ahaan gaar ahaana
Umadeena Somaliyeed saamayn baaxadleh ku
haysa, waa cudur iyo Caadaysi galaaftay kumanaan
kun oo da’yartii cilmiga iyo cududa u ahayd dalka, waa mushkilad maaraynteeda
aynu guud ahaan masuul ka nahay aynu u sii kala mudnaanee, waa Mihnad
mudooyinkan danbe meherad u noqotay wax magarato maan-raac ah oo aanay
masuuliyadi ka saarnayn umadan haadka shimbiraha iyo hanfiga saxaraha loo dhigayo
ama badweyn lagu haligayo inta huudhi
buufimo ah si hoosiis ah habeen loogu guro..
Hadaba
su’aasha taagani waxay tahay Tahriibku ma wuxuu noqday tab iyo xeelad aynu
waalidkii inagu soo tabcay ugu bedelayno tiiraanyo, tacab khasaar iyo taftaaf aduunyo?
Inay
bulshada cududoodii mustaqbalka iyo maantu ay badaha ku dhamaadaan ma waxay
noqotay tamartii ugu danbaysay ee nolosheena aynu kula tacaalo? Maxaase inaga hortaagan inaynu hankeena iyo
himilada mustaqbalkeena ku hagno hiyi toosan oo horumar nafaheena iyo
dalkeenaba u horseeda.
Somaliland
waa dal hodana oo khayraadkiisa dabiicaga ahi kufilaan karo dunida kalena
anfici karo hadaynu madax iyo minjo isu
xulafaysano mustaqbal ifaya oo bulshadu kaga guurto halkan aynu taaganahay ee niyad xumada iyo rajo beelka da’yarteenii
ku abuuray,
Hadaynu guud
ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo dhinacyada qaranku ka kooban yahay ay xafiiltanka
siyaasadeed iyo isu xulafaysiga shakhsi araga ah intaynu dhan isakaga Tiirino u
tafaxaydano tayaynta bulsho isku tiirsan
oo dhaqaale iyo maamul xoogan leh oo musuqmaasuq iyo cadaalad daro ka madhan
kuna dhisan mabda’a maamul wanaaga iyo midnimada shacabka, dal dunida kale tusa
danahooda si aynu uga iibino Ictiraafka aynu baadigoobka mudada ugu jirnay, dal
dunida aqoonsi ka haysta dadkiisuna ku Najaxaan.
Aqoonyahankaa
iyo xoogaa dalka ee maalin walba u xidhxidhan safarkaa aan dhamaadkiisa la
ogayn iyo bulshadaa bir-magaydadeedii yurub ilaa dalka baylahdeedii waraabuhu
ku cunayo, waa kuwii dalkan ka dhigi
lahaa mid isaga loo soo tahriibo oo dunida kale u soo shaqo iyo shaxaad
doonato, nasiib darose waxay ka doorbideen in dal kii lahaa uu hagaajistay ay noloshiisa u hanqal taagan,
Waxaan ku
soo ururinayaa maqaalkaygan Tahriibku waa naftaadii oo aad galaafanayso, gumaynayso
oo aad gaajaysiinayso , waalidkii oo aad goblaminayso iyo dalkaagii oo aad gaabis
gelinayso ee aynu ka dheerayno umadeena, maxasteena iyo dhalaankeenaba ugana
digno masiibadan ba’an ee inagu habsatay ee Garbabeelka iyo ganacjabka inagu ah.
Iyadoo aan madaxweynaha uga mahadnaqayno gudidii ladagaalanka Tahriibka
iyo shaqo abuurista ee uu dhawaan dhisay, waxaan leenahay mudane Madaxweyne
Gudidaas weli warkeedu wuu nagu yaryahay hawshanina waa hawl culus ee waa in la
dardargeliyaa dhakhsana wax la taaban karo ay u muujiyaan si looga badbaado
musiibadan Tahriibka .
Wixii aan Saxay Eebaa ku Mahadsan
Intaan Qaldayna Shaydaanbaa iska leh
Qormadii Iyo Qalinkii
Samataliye Cabdisitaar Dubad
+252-63-4430873
Hargeysa JSL
waad ku mahadsantahay sxbkey samataliye inaad xaqiiqda jirta iyo dhibaatada tahriibka ee dhalintii wadankan mustaqbalkiisa lahaa ku naafoobeen ka baraarujiso inta aan wali u qalab qaadan iyo inta niyadooda sheydaanku ku soo tuurin oo aad uga horeyso, runtii waa aafo ka mida aafooyinka dhalinteena lagu halakeeyay iyada kaliyana maahee waxaa jirta aafooyin kale oo jira una baahan in qalinka loo qaato ugu yaraan macal asaf adcaful iimaane niyada laga ogsoonaado inay tahay wax rabina aan raaligalineyn ifkana guuldaro mooyee liibaan haba yaraatee laga goosanayn..........thnks again sxb.
ReplyDeletewaad ku mahadsantahay sxbkey samataliye inaad xaqiiqda jirta iyo dhibaatada tahriibka ee dhalintii wadankan mustaqbalkiisa lahaa ku naafoobeen ka baraarujiso inta aan wali u qalab qaadan iyo inta niyadooda sheydaanku ku soo tuurin oo aad uga horeyso, runtii waa aafo ka mida aafooyinka dhalinteena lagu halakeeyay iyada kaliyana maahee waxaa jirta aafooyin kale oo jira una baahan in qalinka loo qaato ugu yaraan macal asaf adcaful iimaane niyada laga ogsoonaado inay tahay wax rabina aan raaligalineyn ifkana guuldaro mooyee liibaan haba yaraatee laga goosanayn..........thnks again sxb.
ReplyDeleteMahadsanid sxb Sare Cawad Cali Bare ilaahay umada musiibadaas ha ka badbaadiyo
ReplyDelete