Hargeysa(SAMOTALIYE) Xukuumadda
 Somaliland ayaa mamnuucday goynta iyo shidista dhirta qoyan, isla 
markaana waxay sheegtay in tallaabo adag laga qaadi doono ciddii lagu 
qabto oo  sharciya.
Sidaasi
 waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray Wasiirka 
deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Dr. Maxamed Siciid Maxamuud 
(Gacamey), waxaanu u dhignaa sidan:-
"Ka
 dib markii ay Na soo gaadhay qeylo dhaan nagaga timid gudaha iyo 
goonyaha dalka oo dhan ee ku saabsan gumaadka iyo xaalufinta lagu hayo 
dhirta qoyan, isla markaana aan aragnay illaa xadka ay ka damqanayaan 
odayaasha, salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka deegaamadda Somaliland 
dhibaatada ka timid xaalufka dhirta sida dabiiciga ah u baxda iyo ololka
 ka baxaya deegaamada Somaliland oo dhan.
Haddaba,
 Annagoo tixraacayna Xeerka ka hor-taga xaalufka iyo nabaad guurka dalka
 ee 04/98 qodobkiisa koowaad Xarafkiisa A iyo B iyo 2-aad xarfihiisa A 
iyo B.
Wasiirka Deegaanka iyo horumarinta Miyigu waxa uu soo saaray wareegtadan:-
Laga
 bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 29/05/2013, waxaan joojinay gaynta, 
garaacista iyo jarista geedka qoyn, waxaana manuuc ah in dhirta qoyn loo
 isticmaalo dhuxul, dhisme iwm.
Sidaasi
 darteed, waxaan farayaa dhamaan madaxda ay warqadani tooska ugu socoto,
 in cidii lagu helo arrimaha kor ku xusan ee wareegtaydani mamnuucaso la
 marayo ikhaabta qodobka 17aad ee xeerka ka hortaga xalufka iyo 
nabaad-guurka.
Waxa
 kale oo aan ku adkaynayaa madaxda ay warqadani ku socoto inay si waafi 
ah oo waxtar leh ula shaqeeyaan Salaadiinta, Cuqaasha, Waxgaradka iyo 
Guddiyada Tuulooyinka oo si mutodawacnimo ah doonaya in wax uga qabtaan 
ololka iyo xaalufka ba?an ee lagu hayo dhirteen dabeeciga ah."

No comments:
Post a Comment