Madadaalo

Aynu Is aqoonsano Tahriibkana iska dayno

waxaan idiin soo Xulay dhawr tuduc oo ka mida maansadii Galliilyo ee abwaan Xasan Weedhsame waakan ee akhris wanaagsan


Qofbaad tahay guul abuura
Qofbaad tahay guri yagleela
Qofbaad tahay gaar ahaantaa
Ku gaajo baxoo iskeena
Gankaa kuma dheera caaro
Aqoontaaduna ma gaabna
Ma gaagixin aayahaagu
Dadkaaguna kuma giriifin
dalkaagan kama go'aysid
Galbeed yurub kuuma yeedhin
Giriiguna kuuma baahna
adiga geyigaagu waa kan.
Gobaad tahay moog inteeda
Gargaara faray ka hoogtay
“ku eeg gabargaal horataada
U fiirso bal goonyahaaga
Gadaashaadana bal dheeho
Dhalaanbaa kugu gedaaman
Gidaarada dhaxanta jiifa
Garaadkaagaa u hiila
Qabyaa kugu gaafwareegsan
Hortaa aan cidi gufaynin
Xilbaa guudkaaga saran
Kawayn goosoo dhaqaaji.

Abwaan Weedhsame....





Maxaa kala qabsaday 2dii nin ee Shaqo taga ahaa ?

 

Waayadii ay Sucuudiga shaqooyinku ka furnaayeen, ayaa maalin maalmaha kamid ah waxaa gaadhi xaajiyad ah wada raacay labo nin oo shaqo tag ah, mid wuxuu ahaa reer waqooyi, kan kalena reer koonfur. Hadaba waxay gaadhigii saarnaadaanba mise markay meel dhaxe marayaan ayuu gaadhigii kula dhacay meel god(xurfad) ah, ka dibna waxaa naxay kii reer waqooyigii ahaa, wuxuunayidhi Yaarasuululaahi!!, markaa sheekh carab ah oo agtiisa fadhiyey baa intuu bahal dhirbaaxo ah ku jiiday, kuna yidhi ilaahaaga ma taqaanid miyaa?!!. Kadibna kii reer waqooyiga ahaa baa iska aamusay isagoo cadhaysan, wuxuu gaadhigii sii socdaba mar labaad hadana meel kale oo god ah buu kula dhacay, dabadeedna kii reer koonfur ahaa baa yidhi Shiikh Cabdulqaadiroow!! markaasaa kii reer waqooyiga ahaa oo cadhaysanaa baa intuu dhirbaaxsho ugu jawaabay, kuna yidhi war kii weynaa baa meel loo la' yahay markaasaad shiikh lasoo ordaysaa.!!!



No comments:

Post a Comment