Saxaafada Madaxa banaan iyo ta dawliga ah Iyo guud
ahaan shacabka reer Somaliland waad salaaman tihiin, bacdigeed ilaahaybaa mahad leh I waafajiyey qoraalkan.
Ayaan darada dalkii ku habsatay waxay noqotay in
Xisbigii shacabku u codeeyeen ee badiba Somaliland umadeedu kalsoonida buuxda
siisay inay hagaan siyaasada iyo hogaaminta dalka iyagii looga baqo amnigii
aynu mudada ku soo jirnay , waxay noqdeen laba group oo mid waliba ka kale ku
eedeeyo inuu wado arbush iyo qulqulatooyin amni xumo, KULMIYE waxa dalka loogu
dhiibay inay u hogaamiyaan jid uu ku horumari karo oo isla markaana la
jaanqaado dunida horumartay, waxa loo doortay inuu danyarta masaakiinta ah ee
dalka gudihiisa ku dayacan uu u damqado kana saaro dibu dhaca ay kujiraan, waxa
loo danaynayey inuu da’yarta ka badbaadiyo tahriibka iyo badaha ay ku le’deen,
waxaynu ka rabnay inuu ka rumeeyo rajooyin doora oo uu inagu ruxruxay waagay u
ordayeen doorashada, Waxa looga doorbiday xisbiyadii kale inuu kobciyo
dimuqraadiyada iyo xoriyatul qawlka, waxaynu ka filaynay inuu qarankan
gaadhsiiyo Ictiraaf iyo qaran lugihiisa isku taaga.
Khilaafka Kulmiye dhexdiisu ma demin weli waxaanu
taagan yahay halkii u saraysay wallow guurtidu go’aan gaadhay garabyaduna ugu
garaabeen guuxii doonaaba ha jiree goobta ka sheegay inay gartoodaas la soo
gunaanaday ay ku qanceen, hadana sida aynu wada ognahay garabkii gudoomiyuhu
arinkaas aad uguma qanacsana waxa bilaabmay In kooxina ka shaqayso sidii go’aankii
guurtida loo taageeri lahaa xaga dhanka kalena ay isku hawleen in la sameeyo
cambaarayn go’aankan lagaga soo horjeedo.
KULMIYE iyo garabyadiisa kala jiraa waxay sabab u
noqdeen in amaanku khalkhalo iyadoo la og yahay in ay hakad kujiraan isu
socodka wadamada aynu jaarka nahay (Djibouti iyo Ethiopia) oo shaki ka qaba
xaalada amaan ee dalka, go’aan qaadashada hagaajinta xidhiidhka wadamada
jaarkuna waa mid daciif ah oo in marka wax dhacaan lays daba yaaco mooyee aan
ka hortag iyo siyaasad lagula tacaala midna aanu jirin, Danaha laysku qabaana waa
qaar laba dhinac ah maaha in mar walba dhan qudha la tuso baahidooda ee waa inay
mararka qaar Somalilandna go’aan lidi ku ah qaadataa danaha geeska kale.
Inkastoo KULMIYE ay ku jiraan badiba labeenta iyo
haldoorka Bulshada Somaliland layskuna seegayo afkaaraha iyo aragtiyaha maamul
ee dalka iyo mida xisbigaba hadana muhiimadu waa masuuliyada ay hayaan oo ay
muujiyaan isuguna tanaasulaan halka inta badani marto, si aanay u dayicin wixii
loo diray nidaamkan dimuqraadiga ahna aanay u adeegsan reero iyo dano shakhsi.
Maanta dalku wuxuu marayaa xaalad xun oo waxay
gaadhay in beel beel xaflado loo qabsado bulshadiina ay ukala qoqobanto reer
reer oo siyaasadii ay noqoto mid minqiyaaskeedu reer hebel noqdo siyaasi han
kursi leh ayaa ku guuray oo bulshadii iska hor keenaya.
Xisbul Xaakimka KULMIYE laba miduun Baa waajib ku ah
1) inuu
soo gebagebeeyo khilaafka dhexdooda ah Hogaanka Xisbiga KULMIYEna loo daayo
maamulka xisbiga oo wasiiirada iyo xubnaha xukuumada ee aan ku jirin golaha
Fulinta ee xisbigu waa in ay faragelinta ka daayaan madaxda xisbiguna waa inay
ixtiraamaan golayaasha kala duwan ee xisbiga iyo talada hogaanka guud
Gudoomiyuhuna ha yaqiinsado inuu labada garaba masuul ka yahay isu soo
jiidkoodana isaga ay saaran tahay ee ficiltankooda uu ka fogaado.
2) Haday
taas koobaad suurogal aanay ahayn Talada dalka hayska wareejiyaan bulshadana ha
ku celiyaan masiirkooda waayo iyagiibaa khatar bulshada ku ah.
Waxaynu haynay hayaan horu-socod oo aan ku
hamiyaynay in dalkeenu ku hiigsado dalalka horumaray, waxaadse moodaa in uu
hakad galay xukuumadiina ay ku mashquushay 5ta sano ee soo socda, xisbigeeda dhexdiisiina
qodaxda ugu badani u taalo.
Gebagebada maqaalkan waxaan ku soo gunaanadayaa
KULMIYE waxa isku haysta shakhsiyaad kursi iyo dano shakhsiyeed oo iyaga khaas
u ah leh laakiin aanay ahayn reero dano gaara ka leh, Yaanay bulshadu u kala
qaybsamin isir iyo reer ee qof waliba afkaartiisa ha cabiro hankiisa iyo
hamigiisana yaanu hoos geyn nin hore tiisii meel u dhigay hebelna hayb ugu
rahmanaan.
Da’yarta iyo aqoonyahanka waxaan u soo jeedinayaa
inaanay ku milmin qabyaalada uu nin dan lihi kuu isticmaalayo waana inaynu ku
dedaalaa inaynu dalkan ka dhigno mid qabyaalad iyo qudhun ka caagan Saxaafada
lafteeduna ha ka waantawdo wixii bulshada isku duubnideeda dhaawici kara
Intaan Saxay Eebaa ku Mahadsan wixii aan
Qaldayna Shaydaan baa iska leh
Suleyman
Cabdisitaar Dubad
Hargeysa
Somaliland